|
Muqdisho, (insidesomaliya.org)- Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa ku tilmaamya go'aankii ay isku casileen xildhibaanada ka tirsan xukuumada uu hoggaamiyo mid lagu doonayo in lagu carqaladeeyo dib u heshiisiinta,taaso oo u socda Dowladda Federaalka KMG ah e Soomaaliya iyo Isbahaysiga dib u xogeynta.
Nuur Cadde oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in arrintaan uu u arko in ay tahay mid ay dabada ka riixayaan dad kale oo uusan carrabka ku dhuftay, balse waxaa jira khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
"Jagooyinka la baneeyay waxaa loo magacaabi doonaan xubno kale oo buuxiya, waxaanse marka hore sugayaa warqada is casilaada si aan u qiimeeyo una aqbalo" ayuu saxaafada u sheegay Nuur Cadde.
Wasiirada xilalka ka tagay ayaa ku eedeeyay Ra'iisul wasaaraha madax-adayg, iyagoo sheegay inay xilalkooda ku wareejin doonaan cidii sharci ahaan loogu soo magacaabo balse aanay ku wareejinayn qof walba oo loo magacaabo, taasoo fasiraad dheeraad ah aysan ka bixin.
Nuur Cadde oo ka hadlay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Maxamed dheere oo kicisay xasarada hadda jirta ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xil ka qaadistaas, ayna soo dhaweeyeen shacabka Muqdisho, taasoo la dhihi karo waxay qayb ka tahay horumarka ay sameysay xukuumada.
Maxamed Dheere oo isaguna saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuu isagu yahay weli guddoomiyaha rasmiga ah ee Gobolka Banaadir, uuna ku tilmaamayo shaqo ka eryiddiisa mid aan sharciga salka ku hayn.
|